Warbixin ay Hay’addu maanta daabacday ayaa lagu sheegay inay 10-Dowladood oo aan dhaqaale buuran lahayn qaabileen 56% dadka Qaxootiga ee ku kala baahsan Caalamka, halka Dowladaha horey u maray qaabileen 10% dadka Qaxootiga.
Warbixin uu Xoghayaha Guud ee Hay’adda Amnesty International, Salil Shetty ka soo saaray Xarunta Dhexe ee ay Hay’addaasi ku leeyihiin magaalladda London ee dalka Britain ayaa sheegay in la joogo Xilli ay Hoggaamiyayaasha geli lahaayeen xaallad khatar, lagana wada doodi lahaa sida ay Bulsshooyinka u caawiyaan dadka lagu khasbay inay guryahooda uga soo cararaan dagaalladda iyo dhibaatooyinka kale.
Tobanka Dowladood ee qaabila Qaxootiga u badan ayaa kala ah Urdun, Turkiga, Pakistan, Lubnaan, Iran, Ethiopia, Kenya, Uganda, Kongadda Dimuqraadiga iyo Chad.
©Radio Dalsan