Afhayeenadda Barlamaanka Talyaaniga, Laura Boldirini ayaa ugu baaqday Dowladaha Midowga Europe in lagu tallaabsado sidii loo caawimi lahaa Qaxootiga, xilli ay shalay ku beegnayd 3 guuradii ka soo wareegtay markii ay ku-dhawaad 366 Tahriibayaal u badnaa Somali iyo Eritrean dooni kula degtay Jesiiradda Lampedusa ee sida aadka ugu dhow Xeebaha Libya.
War-qoraal oo ay soo saartay Laura Boldirini ayey ku sheegtay inaysan Is-xusuusin ku filnayn, iyadoo ay weli sii socdaan Tahriibayaasha lagu xasuuqayo Badda, waxayna intaasi ku dartay in dhibaatadda Tahriibayaasha khasbayso in la garwaaqsado Colaadaha xalka loo la’ yahay ee ka socda laga bilaabo Syria ilaa Somalia, haddana laga bilaabo Sudan ilaa Iraq.
“Dadka isku tijaabinayo inay ka soo cararaan colaadahaasi waxay weli ku dhimanayaan Badda Mediterranean, iyadoo la arkayo tiro ka badan kuwii hore” ayey tiri Afhayeenadda Barlamaanka Talyaaniga, waxayna intaasi ku dartay inaysan Dowladaha EU-da qaadaan mas’uuliyadda dadkii ku geeriyooday Lampedusa.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga, Anjelino Alfano iyo Duqa Jesiiradda Lampedusa, Mayor Gisuy Nicolini oo iyagana ka hadlay Munaasabadda lagu qabtay Lampedusa.
©Radio Dalsan