Wasiiru dawlaha arimaha dibedda ee imaaraadka Dr.Anwar Qarqaash ayaa sheegey in ay heshiishka dekedda Berbera la galeen xukuumadii hore ee Soomaliya .
Waxa uu kale uu raaciyey in ay taageersanyihiin Midnimada Soomaaliya oo aanay safaarad iyo qunsuliyad ku lahayn Somaliland .
Sidaa waxa u ku sheegay mar uu u waramayey idaacadda BBC-da Laanteeda af carabiga.
Hadalka Wasiiru dawlaha arimaha dibedda ee imaaraadka ayaa imaanaya xili uu jiro khilaaf u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta kaas oo saan saantiisa laga dareemay gudaha Magalada Muqdisho.