NISA oo shaacisay inay Gacanta ku dhigtay Hoggaamiyaha Koox dilal fulisa

War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay inay Gacanta ku dhigeen Nin hogaamiye u ahaa koox dilal ka fulisa Magalada Muqdisho.

Qoraal koban oo la soo dhigay Barta twitter-ka Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal laga sameeyay muqdisho 18-kii Bishaan oo shalay oo Jimco aheyd in gacanta lagu dhigay Nin hoggaamiye u ahaa Koox dilal qorsheysan ka fulisa Muqdisho.

“Howlgal qorshaysan oo si taxader leh loo fuliyay ayaa Ciidamada Amaanku 18-ka bishaan, kusoo qabteen xubin hogaamiye u ahaa koox amniyaad ah oo ka howlgala magaalada Muqdisho.

NISA ma shaacin Magaca iyo Sawirka Shaqsiga ay sheegtay inay howlgal kusoo qabatay,hayeeshee bilihii  dambeysay ayay NISA shaacineysay inay qabatay Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor