Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Magaaalada kuwalalambuur ee Caasimadda dalka Maleesiya ayaa bilowday olole ballaaran oo ay gurmad ugu sameynayaan walaalohoodii qasaaruhu ka soo gaaray xasuuqii ka dhacay Magaalada Muqdisho 14kii bishan
Danjiraha Soomaaliya ee wadanka Maleesiya AMB Abuukar Cabdi Cismaan ayaa u sheegay Radio Dalsan in isku duubni weyn y muujiyeen dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool wadankaasi markii uu soo gaaray warka ku saabsan xasuuqa muqdisho ka dhacay iyagoo aan u kala harin ganacsatada ardayda jaamacadaha iyo shacabka sida caadiga ah u degan intuba
Danjiruhu wuxuu intaas kudaray in habeenkii xalayto kulanweyne soomaaliyeed oo ka dhacay Kuwalalambuur  aad loogu muujiyay dareen murugo leh oo ay ku garab taagan yihiin dowladooda iyo shacabkooda ayna halkaas ka bilaabeen deeq uruurin sida ugu dhaqsiyaha badana y u geyn doonaan Magaalada Muqdisho qalab caafimaad dawooyin iyo agabyo kale oo lagama maarmaan u ah howlaha gurmadka ayna ku wareejin doonaan guddiyadii loogu tala galay wuxuuna shacabka soomaaliyeed ugu baaqay iney meel iska dhigaan khilaafaadka siyaasadeed ayna u midoobaan cadowgooda iyagoo xooga saaraya gurmadka dadka dhibaneyaasha ah
Dhinaca kale Danjiruhu waxaa uu xusay inuu kulamo muhiim ah la qaatay madaxda wadanka maleysiya sida ra’isul wasaare datuk Seri Najiib Razak uu warbixin kasiiyay khasaaraha ballaaran ee ka soo gaaray shacabka Soomaaliyeed qaraxii lagu hoobtay ee muqdisho iyo sida ugu sahlan ee dowlada maleesiya gurmadkaasi uga qeyb qaadan karto
Astaamaha dowlada maleysiya ay ku muujisay murugada ay laqeybsatey dowlada iyo shacabka soomaaliyeed ayaa waxaa kamid ahaa taalada caanka ah ee magaalada oo laga shiday nal gaar ah oo bixinaya calaamad murugo ah
Dhismaha safaarada soomaaliya ee wadankaasi ayaa calankii hoos loo dhigay mudo sadax cisho ah kaas oo habeenkii xalay mar kale sare loo qaaday.