Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga ayaa si kulul u cambaaraysay Weerarkii Is-qarxinta ee ay Alshabaab shalay ka geysteen Hotelka SYL oo ku dhow Xarunta Madaxtooyadda, oo ay ku geeriyoodeen 22 qof, kuna dhaawacmeen in ka badan 20 qof oo ay ku jiraan Xildhibaano iyo Wasiiro.
“Turkiga waxay Saaxiib iyo Walaal la yihiin Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana ay siiyaanTaageero nooc kasta si loo xaqiijiyo Ammaanka” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga.
Qoraalka waxaa kaloo lagu xusay inay Dowladda Turkiga tacsi u dirfayso Qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen Qaraxaasi.
©Radio Dalsan