Ganacsatadda Suuqa Islii ayaa ka cabanaya Waarato Badeecadaha ku iibiya Afaafka hore ee Goobaha Ganacsiga, taasi oo keentay inay xirmaan Albaabadda laga soo galo Dhismayaasha laga dukaamaysto ee loo yaqaano Shopping Malls.
Ganacsatadda Suuqa Islii waxay sheegeen inay Waratada arbushka ku haysa Ganacsigooda darted go’aansadeen inay Xaruumaha Ganacsiga xirnaan doonaan Isbuuciiba maalmaha Arbacadda ilaa Jimcaha,
Guddoomiyaha Suuqa Islii, Ibrahim Xuseen ayaa maanta sheegay inay 320 kun oo Warato soo galeen gudaha Suuqa oo loogu talagalay 200 qof oo keliya.
Waxa uu hadalkaasi jeediyey iyadoo in ka badan 45 Dhismayaasha laga dukaamaysto ee Suuqa Islii la xiray maanta, iyadoo ay Ganacsatada ka cabanayaan Waratadda sharci-darradda u soo fariista Albaabadda Dhismayaasha laga dukaamaysto iyo iyagoo xiray Waddooyinka ay Badeecadaha ka soo galaan.
Labo isbuuc ka hor, Waratada Kenyanka waxay dhagxeeyeen Dhismaha Ganacsiga ee Moonlight Mall, kadib, markii Maamulka Dhismahaasi ka codsadeen Waratad inay ka tagaan Albaabka weyn ee laga soo galo Dhismahaasi.
Si kastaba ha ahaatee 90% Dhismayaasha Suuqa Islii waxaa ku ganacsada dad Somali ah, kuwaasi oo Badeecadooda ku iibiya Qiimo ka jaban Suuqyada kale ee ku yaalla magaalladda Nairobi.
©Radio Dalsan