Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa waxa ay wiil dhalinyaro ah ku dileen Suuqa Ansalooti ee Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Dad goobjoogayaal ah ayaa Dalsan u sheegay in dilkan uu ka dhacay Suuqa Ansalooti,isla markaana loo geystay Wiil dhalinyaro ah,waxaana durbo ka baxsaday goobta ragii ka dambeeyay dilka.
Sidoo kale waxaa la sheegay in wiilka uu kamid ahaa dhalinyarada Xaafadda,kaasi da’diisu lagu qiyaasay 17 jir.
Goobta uu falkan ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan dowlada kuwa Booliska Soomaaliya,waxaana goobtaasi ay ka bilaabeen baaritaano ku aadan dilka.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa marar qaar ka dhaca dilal qorsheynka,kuwaasi oo loo geysto askarta ka tirsan Ciidamada dowlada iyo dad Shacabka ah,waxaaa mas’uuliyooda sheegta Al-Shabaab.