• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, May 16, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Qaramada Midoomay”Ansixinta Miisaaniyada Dowladda waxay sahashay in ay hesho deeq iyo Maalgelin”

Bilan Media by Bilan Media
December 24, 2017
in Caalamka, Warar
Reading Time: 5 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo soo dhoweeyay ansixinta miisaaniyadda dowladda ee 2018ka, ansixintaas oo ah tallaab wanaagsan oo loo qaaday dhanka xoojinta maaliyadda

Madaxa Qaramada Midoobay ugu sarreeya Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay ansixintii dhowaan la ansixiyay miisaaniyadda federaalka ee dalka, taas oo ah  guul weyn oo laga gaaray horumarinta dhaqaalaha, waana tallaab dalka usoo dhoweynaysa in uu dhaqaale ka helo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

“Tani waxay calaamad u tahay masaafada ay Soomaaliya kasoo gudubtay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay – waxay kusoo dhowaanaysaa inay awood u yeelato inay cageheeda isku taagto maaliyad ahaan, sida xubnaha kale ee beesha caalamka. Marki ay hirgalaan tallaabooyinka dakhli ururinta iyo dib-u-habaynta muhiimka ah, Soomaaliya waxay awood u yeelanaysaa inay hesho deeq iyo maalgelin shuruudeheedu dabacsanyihiin oo ay ka hesho hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, bedelkii ay si weyn ugu tiirsanaan lahayd deeq-bixiyeyaasha si ay u daboosho baahideeda maaliyadeed,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.

“Tani waxay dadka Soomaaliyeed ee caadiga ah uga dhigantahay rajo dhab ah oo lagu helayo dugsiyo waxbarasho oo badan, isbitaallo iyo kaabayaasha aadka loogu baahanyahay maadaama dowladdu ay awood u yeelan doonto inay soo amaahato lacag dulsaarkeedu si cadaalad ah loogu jaan-goyay suuqyada caalamiga ah,” ayuu raaciyay. “Tani waxaa kale oo ay calaamad u tahay xasilooni soo tarmeysa, waana in dowladihii hore iyo tan hadda jirta lagu amaano dadaalladooda ay hawsha halkaan kusoo gaarsiiyeen.”

Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa sheegay in deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah ay Soomaaliya ku leeyihiin $5.2 bilyan. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ansixiyay miisaaniyadda 2018ka, iyadoo xirmadan ka kooban $274 malyan ay tahay tallaab muhiim ah oo wax looga qabanayo shuruudaha dib-u-habaynta maaliyadeed ee ‘Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada’ (SMP) ee Sanduuqa Lacagta Adduunka ugu talo galay dalalka bariga Afrika

Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada waxaa loogu talo galay horumarinta dadaallada dib u dhiska dhaqaale iyo in loo suurto geliyo dalalka inay sameystaan diiwaan dabagal oo loogu talo galay hirgelinta siyaasadda iyo dib-u-habaynta. Soomaaliya waxay durba dhamaystirtay Barnaamijkii ugu horreeyay ee Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada sanadkii 2016-2017

“Waxaa na dhiirigelinaya ballan-qaadyada madaxda iyo xawaaraha dib-u-habaynta ee lagusoo celinayo hay’adihii dhaqaalaha iyo maaliyadda ee muhiimka ahaa, waxaana soo dhoweynaynaa dadaalladooda ku aaddan in barnaamijku kusii socdo si sax ah,” ayuu Sanduuqa Lacagta Adduunka ku yiri war-saxaafadeed kadib kulankii ay todobaadkii lasoo dhaafay la qaateen madaxda Soomaaliyeed. “Hawl-qabashada madaxda ee ku aaddan Barnaamijka Kor-joogteynta Hawl-Wadeennada ee bishii September 2017 ayaa si weyn loogu qancay.”

Sanadka soo socda ayaa Sanduuqa Lacagta Adduunka wuxuu go’aanka ugu dambeeya ka gaari doonaa u hogaansanaanta Soomaaliya ay u hogaansantay shuruudaha Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada ee sanadka 2017, waxaana wada-xaajood laga geli doonaa Barnaamij Kor-joogtayn Hawl-wadeenno oo daba-socda midka lasoo gabagabeeyay.

Ergeyga Gaarka ah Keating ayaa ugu baaqay madaxda dalka inay xaqiijiyaan in qiimaynta sanadka soo socda lagu samayn doono horumarka Soomaaliya in uu noqdo mid wanaagsan, iyadoo wixii kala duwanaan siyaasadeed ah lagu xallinayo wadahadal iyo niyad wanaag.

“Xasillooni siyaasadeed waxaa ay wax ka taraysaa uun sidii lagu xaqiijin lahaa arrimahaas,” ayuu yiri. “Waxay gacan ka geysanaysaa sidii loosoo jiidan lahaa maalgelinta hay’adaha dowladda iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay, waxayna xoojinaysaa horumarka dalka ee kobcinta maaliyadeed.”

Soomaaliya ma awoodin inay xalliso deymaha dibadda loogaga leeyahay tan iyo markii dagaallada sokeeye ay dillaaceen sanadkii 1991.

Iyadoo ay halakeeyeen abaaro iyo colaado hubaysan, iyo weliba horumar la’aan, ayaa hadda Soomaaliya waxay ku tiirsantahay deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah si ay wax uga qabato inta badan baahideeda maaliyadeed. Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ ayaa dhowr jeer ugu baaqay deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah ee dalka ku leh deymaha inay deymahaas ka cafiyaan Soomaaliya iyadoo loo marayo waxa loogu yeero Barnaamijka Dalalka Saboolka ah ee Deymaha Culus lagu Leeyahay (HIPC), oo ay asaaseen Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka sanadkii 1996 si ay u xaqiijiyaan in dal sabool ah aanu la kulmin culays deyn oo ka badan awooddiisa adeeg-bixin iyo maareynta [arrimihiisa].

 

 

Previous Post

Dhageyso:-Xildhibaan C/laahi Sheekh Cismaaciil oo u jawaabay Xildhibaan Fiqi

Next Post

Dhageyso: Warka Duhur Ee Radio Dalsan

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL
Warar

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL

May 15, 2025
“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
Warar

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
Next Post

Dhageyso: Warka Duhur Ee Radio Dalsan

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kismaayo – Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay si mideysan ugu istaagaan badbaadinta dalka iyo dowladnimada...

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kulankii Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeisa....

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana lagu ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo muhiim ah...

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

by Liban
May 15, 2025
0

Nairobi, Kenya – Mr. Mahmoud Moalim Abdulle, Commissioner of the Somali Disaster Management Agency (SODMA), has recently taken part in...

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges
English News

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day
English News

From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
  • Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
  • Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
  • SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00