Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay socdaal ku tegay Magaalada Marka ayaa sheegay in dhalinyarada halkaas kunool dowladda ay shaqo abuur u sameyn doonto.
Ra’iisul Wasaare Kheryre ayaa sheegay in bulshada Marka ay kala shaqeyn doonaan horumarka deegaanka iyo daboolidda baahiyaha bulshada ee wax ka qabashada u baahan.
Sidoo kale Xasan Cali Kheyre ayaa balan qaaday in dhalinyarada Magaalada Marka loo dhisi doono Garoon lagu ciyaaro kubadda Cagta,isla markaana uu fulin doono Codsi uga yimid dhalinyarada deegaankaas.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bulshada Marko ku nool ku ammaanay dhaqan-gelinta dib-u-heshiisiintii dowladdu ka hir gelisay, midnimada, iyo sida ay sugidda amniga uga wada qeyb qaateen, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan dadaallada wadajirka, isku-kalsoonaanta.