Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Cabduweli Jaamac Gorod  ayaa soo saaray digniin ku socota Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya kadib howlgallo amniga lagu xaqiijinayo oo ka bilaabanaya Caasimadda.
Dgniinta amni ee uu  soo saaray taliyaha Xoogga ayaa lagu xoojinayaa hadalka soo baxay Wasiirka Amniga Soomaaliya ee ah in aan Muqdisho lagu arki Karin Ciidamo Magalada ku dhex wata hubka waaweyn.
Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Cabduweli Jaamac Gorod  ayaa sheegay in Ciidamada sugaya amniga maahine in ciidamo kale aan magalada lagu arki Karin waxa uuna ugu baaqay in qof walba oo askari ah uu ku ekaado halka uu ku Shaqeeyo.
Waxa uu sheegay in askarigii lagu arkaa Muqdisho,isaga oo hub ku dhexwata uu la mid yahay mid amniga kasoo horjeeda,isla markaana ay tallaabo ka qaadayaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka.