Madaxweyne ku dhawaaqay inay joojin doonaan heshiisyo ay la galeen laba Dal

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa sheegay in uu maamulkiisa joojinayo dhammaan heshiisyadii iyo is fahamkii ay la saxiixdeen Israel iyo Mareykanka, oo ay ku jirto amniga.

Madaxweyne Cabaas ayaa hadalkan ku dhawaaqay,  Talaadadii shaley kaddib markii hoggaamiyayaasha Falastiin ay kulan ku yeesheen magaalada Ramallah.

Go’aanka ayaa yimid isagoo ka jawaabaya soo jeedinta Israel ee ku saabsan in la ballaarinyo dhismayaasha ay ka dhiseyso Daanta Galbeed.

Cabaas wuxuu sheegay inay mas’uul ka tahay dowladda Maraykanka oo raali uga ah falalka Israel iyo go’aanada ka dhanka ah xuquuqda dadka reer Falastiin.

Israel ayaa la filayaa in 1-da bisha Julaay ay dhaqangaliso heshiisyadii ay la gashay Falastiiin, sida ay ku heshiiyeen Ra’iisal wasaare Netanyahu iyo Benny Gantz, oo ah madaxa xisbiga buluuga iyo cadaanka.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa ku hanjabay inay baabi’in doonaan heshiisyada laba geesoodka ah ee ay la galaan Israa’iil haddii ay ka gudubto istiraatijiyadda, taas oo wiiqi doonta xalka labada dowladood.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media