Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa marka hore sheegay in ay muhim tahay in aan dhex dhexaad laga noqon dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee dalka ka bilaabanaya.
Isaga oo ka qeyb galayay kulanka ay haweenka taageerayeen howgalka ciidamada dowladda Soomaaliya oo qorshuhu yahay in uu Soomaaliya ka bilaawdo ayuu hadalkaas sheegay.
“In lagu ciyaaro sharafta dadka Soomaaliyeed ma dhex dhexd bad ka noqoneysaan, in uu Shabaab nagu dhex noolaado ma dhex dhexad baad ka noqoneysan, in hooyooyinkeena la laayo ma dhex dhexad baad ka noqoneysaa waa in aad ka soo baxdaan guryaha oo aad dagaalka ka qeyb gashaan si caruurteena ay Sharaf ugu noolaadaan ayuu yiri Kheyreâ€
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in dadka dowlad diidka h iyo Al-Shabaab ay isku mid yihiin oo uu ula jeeday Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare Kheyre.