NISA oo sheegtay inay dishay Xubin sare oo ka tirsanaa AL-Shabaab

Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa  xaqiijiyay inay dileen xubin sare oo ka tirsana dagaalamaayasha Al-Shabaab, kaasi oo la sheegay in lagu dilay howgal qorsheysan.

War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in la dilay Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa xubin sare oo AL-Shabaab ka tisranaa, waxaana sidoo kale Dowladda ay intaa ku dartay in uu u qaabilsanaa dhanka Tashkiilinta dhalinyarada.

Xubintaas sare ee Al-Shabaab ka tisranaa ayaa dowladdu waxaa ay sheegtay in  lagu dilay hawlgal Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Juxaay isaga iyo 87 xubnood oo kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab, 15-kii bishaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor