Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir oo soo dhoweeyay qodobadii ka soo baxay Shirka Mudullood

Duqii hore ee Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed ayaa soo dhoweeyay qodobadii ka soo baxay Shirkii wadatashiga Beelaha Mudullood ee maalintii shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Thabit Cabdi oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa sheegay in shir walba oo ay isugu timaado bulshada Soomaaliyeed uu xambaarsan yahay wanaag iyo isku heynta Soomaali weyn.

Waxaan boggaadinayaa qodobbadii kasoo baxay kulanka oo ahmiyadda saaray Dowladnimada, wadajirka iyo is-cafinta Ummadda Soomaaliyeed. Waxaan mahad ballaaran u jeedinayaa dhinacyada; Duubbabka, Dhaqanka, Culimada iyo Qaban-qaabiyayaasha shirka oo ku dadaallay inuu shirku noqdo mid Soomaaliya dan u ah.

Qodobbadii shirka ka soo baxay waxey u baahan yihiin kala xulasho iyo taabo-galin, waxaana rajeynayaa in tallooyinkii la soo jeediyay looga faa’iideysto si qarannimo leh, oo lagu kabo geedi socodka Dowladnimada iyo marxaladda lagu jiro ee kala-guurka ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media