AKhriso:-Wararkii u dambeeyay ee Magacaabista Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxa haatan ka socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee ku aadan soo Magacaabista golaha Wasiirada Maamulkaas.

Madaxweyne Waare oo Maalin ka hor dib ugu laabtay Jowhar ayaa Saacadihii la soo dhaafay ku jiray wadatashiyo uu la sameynayay Odayaasha iyo Siyaasiyiinta deegaanada Hir-Shabeelle si uu u soo Magacaabo Golihiisa Wasiirada.

Maxamed Cabdi Waare oo Jowhar lagu doortay 16,kii Bishii September ee Sanadkaan ayaa Xildhibaanada hir-Shabeelle waxa ay ugu dareen waqti dheeri ah kadib markii uu ka dalbaday in ay fursad u siiyan Magacaabistas.

Xogta ay Dalsan heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in ay macquul tahay ay Wasiiradaas ka koobnaadaan ilaa 54, isla markaana ay qaarkood ka soo dhex muuqan doonaan Wasiiradii hore xiligii Cosoble.

Xarunta Madaxtooyada Hir-Shabeelle ee Jowhar ayaa laga dareemayaa qul qulka dadka doonaya in ay ka mid noqdaan Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media