Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si kulul uga hadlay dagaal beeleedka weli ka socda deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud kaas oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug Mahad Xasan Maxamed ayaa sheegay in maleeshiyaadka dagaalamaya laga doonayo inay si deg deg ah dagaalkaas ku joojiyaan.
Waxa uu sheegay in dagaal beeleedyo badan ay ka dhaceen gobolada dalka,balse aan weli arag wax faa’iido ah loo aga keenay in dad badan ay khasaaro kasoogaarto dadna ay ku barakacaan.
Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in xiriiro farabadan ka Galmudug ahaan ay la sameeyeen Odayaasha Dhaqanka labada beeleed,isla markaana uu rajo weyn ka qabo in dagaalkaas xal laga gaaro.
Si kastaba deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud oo labada maleeshiyo beeleed ay ku wada dagaalameen ayaa wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya in loo diray si ay u kala dhex galaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug.