Shir ay isugu yimaadeen guddiga Amniga dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxa ay soo saareen 7 qodob oo ku saabsan Amniga xilliga doorashada Madaxweynaha.
War-Saxaafadeed ay Guddiga soo saareen ayaa inta badan looga hadlay dhinaca Amniga,waxana qodobada ku jira in Madaxda Dowladda iyo Shaqaalaha Dowladda Federaalka aysan deegaanada Puntland tegi karin inta lagu guda jiro doorashooyinka.
1: In cid aan aheyn Askari Shaqo ku jiro uusan hub la dhexmari karin Magalada Garoowe inta lagu jiro doorashada.
2: Inta doorashada Puntland dhaceyso waxaa la mamnuucay in Shaqaalaha Dowladda Federaalka aysan geli karin deegaanada Puntland,sida Wasiirada.Agaasimeyaasha,Saraakiisha Ciidamada iyo howl-wadeena Madaxtooyada Soomaaliya.
3: in aan lasoo gelin karin dhamaan Garoomada Diyaaradaha Puntland Baraha kale ee laga soo galo magaalooyinka Maamulkaas lacag (Cash) ah iyo in lala wareegayo lacag kasta oo sisharcidaro kusoo gasho Puntland.
4: in Diyaaradaha imaanaya Puntland soo gudbiyaan liiska rakaabka ay sidaan inta aysan soo duulin si loo sugo amniga doorashada.
Hoos ka Akhriso War-Saxaafadeedka ay soo saareen Guddiga Amniga Dowlad goboleedka Puntland.