Iyadoo maamullo qura ay inaga xigaan Munaasabadda Ciidul-Fidriga ayaa Suuqyada Waaweyn ee ku yaalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa laga dareemayaa diyaar garoow ku aadan munaasabadda Ciida.
Qaar kamid ah Ganacsatada ku dhaqan Magaalada Baladweyne oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa u sheegay in Ciidan iyo Ciidiihi hore uu farqi weyn u dhexeeyo,isla markaana sanadkan dadka kunool halkaasi ay si weyn uga adeeganayaan Suuqyada,iyagoona gadanaya dharkii ay ku ciidi lahaayeen.
Sidoo kale Ganacsatada Baladweyne ayaa tilmaamay in Caqabado yar ay soo food saartay,taasi oo ay ku sheegeen inay tahay in gaadiidkii isaga kala gooshi jiray Baladweyne iyo deegaanada hoostaga uu saameyn ku reebay roobabkii halkaasi ka da’ay,isla markaana dadkii soo aadi lahaa Magaalada ay ku xarin yihiin duleedka Baladweyne.
Ugu dambeyntii guud ahaan Gobolada dalka iyo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka socda diyaar garoow xoogan oo ku aadan Munaasabadda Ciidul-Fidriga,taasi oo ay inaga xigaan maamullo kooban.
Hoos ka Dhageyso Codadka Ganacsatada Magaalada Baladweyne.