Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa qaabilay Maanta Madax ka tirsan Hay’adda UN OCHOA, oo u yimid tacsida Maxamed Cabdullaahi Fiimto, oo QM u qaabilsanaa Arrimaha Galmudug kaasi oo xalay lagu toogtay Bartamaha Magaalada Gaalkacyo.
Wafdiga ka socday Qaramada Midoobay waxaa hoggaaminayey Madaxa UN-OCHOA Justin Bradley waxa ay kulan la qaateen Madaxweynaha Galmudug oo ka tacsiyadeeyay dilka loo geystay sarkaalkaas, isla markaana wax laga xumaado ku tilmaamay in shaqaale ka tirsan UN lagu dhex toogto Magaalada Gaalkacyo waxa uuna si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii ka baxay sarkaalkaasi.
Ugu dambeyntii, saraakiishan ka tirsan UN ayaa balan qaaday in ay ka caawin doonaan dhanka amniga Magaalka Galmudug iyagoona sheegay in si joogta u caawinaya guud ahaan hay’addaha amniga Galmudug.