Wararka aynu ka heleyno degmada Dharkiinley ee gobolka banaadir ayaa ku waramaya in maanta degmadaasi lagu toogtay xildhibaan hore Cabduqaadir Qaasim Mursal oo xildhibaan ka ahaa dowladii madaxweyne C/qaasim Salaad Xassan.
Kooxo hebeysan ayaa rasaas ku furay marxuumka xili uu ku suganaa xaafada Ceele Dheere ee degmada dharkiinley waxaana la sheegay inay baxsadeen ragii ka danbeeyey dilkaasi.
C/qaadir Qaasim Mursal ayaa hada ka shaqeynayey xafiiska gudoomiyaha golaha shacbka Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari iyadoo maanta kooxo hubeysan ay ku dileen Dharkiinley.
Majirto waali faah faahin uu ka bixiyey dilkan maamulka degmada Dharkiinley ee gobolka banaadir oo la xiriira dilkaasi maanta ka dhacay Dharkiinley iyadoo ay baxsatay kooxdii ka danbeysay Dilka.
Halkaan Hoose Ka Dhageeyso Codka.