Wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in degmo ka tirsan Gobolkaas lagu rasaaseeyay Kolonyo uu la socday Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Puntland.
Ciidamo hubeysan ayaa Kolonyada uu ka socday Wasiir Cabdisamad Maxamed Gallan waxaa ay ku rasaaseeyeen xili uu socdaal ku marayay degmada Carmo ee Gobolka Bari, waxaana falkaas ka soo baxaya warar kala duwan.
Dadka deegaanka oo la warbaahinta ayaa u sheegay in Israsaaseyn ay dhexmartay Ciidankii la socday Wasiirka amniga Puntland iyo kuwii marka hore rasaaseeyay, waxaana Ciidamadaas ay amar ka qaatan sida la xusay sarkaal lagu magacaabo Ciise Yulux.
Sidoo kale lama oga Khasaaraha rasmiga ee ka dhashay israsaaseynta ka dhacday Degmada Carmo ee Gobolka Bari, waxaana warar la helayo ay sheegayan in labada dhinac ay kala dhexgaleen Waxgarad ku nool deegaankaas.
Dhinaca ma jiro war hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka amniga Puntland oo ku aadan rasaastii Maanta lagu furay Kolonyo uu la socday Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan.