Agaasimaha Waaxda Ajaaniibta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Sudan, Jeneral Yaasiin Maxamed Al-xasani ayaa u sheegay Wargeyska Alsaxaafah ee ka soo baxa Khartoum inay 1.5 million oo Tahriibayaal ka soo gudbay Xuduudka dalalka Ethiopia iyo Eritrea ku sugan yihiin gudaha dalka Sudan, kuwaasi oo aan doonaynin inay ku sii sugnaadaan Sudan.
Waxa uu intaasi ku daray inay Tahriibayaasha ku haminayaan inay gaaraan dalka Libya, si ay ugu sii gudbaan dalalka Qaaradda Europe.
Jeneral Al-xasani waxa uu tilmaamay inay 300 Tahriibayaal ay bil kasta tahriib ahaan ku soo galaan Sudan, kuwaasi oo ay Mukhalasiin ku hagayaan Tahriibkooda.
Waxa kale oo uu tilmaamay inay Mukhalasiin Suudaan ah ku lug leeyihiin Tahriibinta, iyadoo dadka la isugu soo ururiyo Goballadda Kasla, Badda Cas iyo Al-qalaaraf ee Bariga dalkaasi.
Dhinaca kale, waxa uu sheegay in ay Ilaalaadda Boliska ee magaalladda Al-khalaabaad ee Bariga dalkaasi gacanta ku dhigeen 200 ilaa 300 Tahriibayaal u kala dhalatay dalalka Somalia, Eritrea iyo Ethiopia, kuwaasi oo la qorsheynayo in dib loogu soo celiyo dalalkooda hooyo.
Agaasimaha Waaxda Ajaaniibta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Sudan, Jeneral Yaasiin Maxamed Al-xasani waxa uu si gaar ah u tilmaamay inay Tahriibayaasha Soomaalida sida ugu dhaqsaha badan ugu soo celin doonaan Somalia.
Midowga Europe waxay horey Dowladda Sudan la saxiixdeen dhowr Heshiis oo ku aadan sidii looga hortegi lahaa Muhaajiriinta iyo Tahriibka Sharci-darradda, balse laguma caana-maalin Heshiisyadaasi.
©Radio Dalsan