Wargeyska “Star and Stripes” ayaa maanta qoray in Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka ee The Pentagon ka codsadeen Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka in loo kordhiyo Awoodda Hawlgalladda Milliteri ee ay kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab ee xiriirka la leh Ururka Alqaacida.
Codsigaasi loo diray Aqalka Cad ayaa u oggolaanayo inay Ciiddanka Hawlgalladda Khaaska ee Milliteriga Maraykanka “ The U.S Special Operations Forces” inay kordhiyaan Taageeradda ay siinayaan Ciiddanka Qaranka Somalia ee dagaalka kula jira Xarakadda Alshabaab.
Saraakiisha Milliteriga Maraukanka ayaa sheegay inuu Codsigooda siin doono Milliteriga awoodo dheeraad si ay qaadaan Duqeymo ka dhan ah Alshabaab oo ay Maraykanak u arkaan Khatar ku soo fool leh.
Taliyaha Taliska Dhexe Milliteriga Maraykanka ee Afrika (US Africa Command), General Thomas Waldhasuer ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka AP inay Somalia tahay waxa uu ugu yeeray meesha ugu weyn ee Tartankeenna dhinaca dagaalka ka jiro”.
Waxa uu intaasi ku daray inay Maraykanka doonayaan inay Somalia ka eegaan Xagal Cusub tubta ee ay ku socdaan.
Wuxuuna xusay in loo baahan yahay in ay Ciiddanka AMISOM wiiqaan Dagaalka Alshabaab oo 10-sanno jirsaday.
Taliyaha Taliska Dhexe Milliteriga Maraytkanka ee Afrika (US Africa Command), General Thomas Waldhasuer waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo Fursadaha cusub ee ay Pentogan-ka codsadeen.
Dhinaca kale, Ku-dhawaad 50 Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka ayaa ku sugan gudaha Somalia, kuwaasi oo La-talin iyo Taageero siiya Ciiddanka Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Awood-siinta cusub ee Taliska Pentogan-ka ka codsadeen Aqalka Cad ayaa laga yaabaa in la kordhiyo Ciiddanka Maraykanka ee ka jooga Somalia.
Saraakiisha ayaa sheegay in Codsigan Cusub uu ka mid yahay sidii ay Milliteriga Maraykanka awood ugu yeelan lahaayeen inay qaadaan Duqeymo Cirka lala beegsado Dagaalamayaasha Alshabaab marka ay diyaar garoobayaan, ka hor intaysan weerar ku qaadaan Ciiddanka Dowladda iyo kuwa Hawlgalka AMISOM.
Wasiirka Difaaca Maraykanka, Jim Mattis ayaa xaqiijiyey Codsiga lagu xoojinayo Hawlgalka Milliteri ee ay ka wadaan gudaha Somalia, iyadoo Qorshahaasi bilowgii bishan loo gudbiyey Aqalka Cad, inkastoo aan weli la gaarin Go’aan Kama-dambays ah.
Codsiga la xiriira Hawlgalka Milliteriga Maraykanka ee Somalia ayaa xaqiijin doona Xasaasiyadda Siyaasadda, sababo la xiriira 2- Diyaaradaha Helikopterka ee Maraykanka ee lagu soo riday hawada Muqdisho sannadkii 1993-kii, kuna geeriyoodeen 18 Askar Maraykan ah.
Xigasho:- Star Stripes
©Radio Dalsan