Muwaadiniin Soomaali oo  dhowr sanno  ku xirnaa Maraykanka oo lagu waayey Dembiyaddii lagu soo oogay.

Maxkamadda Rafcaanka ee magaalladda Tennessee  waxay shalay 2 nin oo Soomaali ah ka saareen Liiska magacyadda Eedeysanayaal door ku lahaa Shabakad ku hawlanayd Ka-ganacsiga Dumarka.

Labada nin ee lagu waayey Dembigaasi ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Idris Ibrahim Farah, Yasin Abriahman Yusuf, kuwaasi oo Xabiga lagu hayey in ka badan 4 sanno.

Garsoore ka tirsan Maxkamadda ayaa sheegay inaysan  Raggaasi wax dembi ah lahayn, isla markaana la waayey wax caddayn ah oo ku xaqiijinayo falka ay u xirnaayeen.

Raggaasi waxay ka mid ahaayeen 30 qof oo badankooda Somali ahaa, kuwaasi oo lagu soo oogay Tahriibinta iyo Ka-ganacsiga gabdho Soomaali ah.

Waxayna Boliska ogaadeen in gabdhahaasi oo ay ku jireen kuwo 12-jirro ah laga kaxeeyey magaallooyinka Mataanaha, si ay jirkooda uga ganacsadaan.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor