Hoggaanka madaxsha xisbiyada qaran ee ay hogaamiyaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shafiir Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray hadal dhawaan kasoo baxay guddoomiyaha aqalka sare C/xaashi C/llahi oo ku aaddan in la bedelay nuqulada qaar ee 4-ta xeer ee dhameystiraya sharciga doorashooyinka.
Qoraalka kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa si buuxda waxaa waxaa loogu taageeray go’aankii Aqalka Sare ee ku aaddan wax ka beddelka xeerarkii ay Guddiga Wadajirka ah ee BFS u soo gudbiyeen guddoonka labada aqal kuna saabsanaa dhammeystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee heer federaal.
Madasha xisbiyada qaran ayaa eedeyn u jeedisay madaxda dowladda iyaga oo cadeeyay in ay ku lug leeyihiin khilaafka u dhaxeeya labada aqal ee baarlamaanka oo ay sheegeen in ay uga danleeyihiin in ay waqtiga kusii kororsadaan hay’adaha Dastuuriga ahna howlahooda usii socdaan markii muddada xil heyntoodu dhammaato.
Sidaas daraadeedana waxaa madashu ay shegtay in aysan aqbali doonin dib u dhac ku yimaada waqtiga doorashooyina loogu talagalay in ay qabsoomaan,madaxda dowladdana ay iska daayaan caga jiidka kana shaqeeyaan sidii doorasho dalka uga dhici laheyd 2020/2021.
Halkaan Ka Akhriso Qoraalka