Magaalada Hargeysa ee deegaanada Maamulka Soomaaliland waxaa Maanta lagu qabtay doorashada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Maamulka Soomaliland taas oo ay ku tartamayeen ilaa laba musharax.
Doorashadaan oo aheyd mid aad u adag ayaa ugu dambeyn waxaa ku guuleestay in xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Soomaailand in uu noqdo Baashe Maxamed Faarax,oo horay u ahaa Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada soomaaliland.
Doorashada ayaa waxaa ku tartamayay Cabdiraxmaan Talyanle u Codeeysay 38 Mudane halka Baashe Maxamed Faarax,ay u codeeyeen 39 Mudane sidaasna uu ku guuleestay.
Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxay shaaca ka qaadeen in 7 Cisho kadib isna la dooran doono booskii uu baneeyey Baashe Maxamed Faarax ee Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha wakiilada Soomaaliland.
Goordhow la socda Codadka iyo Sawirrada Doorashada