Sawirro:-Duqa Muqdisho oo Xariga ka jaray Waddada Isku xirta Madaxtooyada iyo Dekedda

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yarisow) ayaa xariga ka jaray Waddada isku-xirta Madaxtooyada Qaranka iyo Dekedda Muqdisho taas oo dhawaan dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyey.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhismaha waddooyinku ay kaalin mug leh ka qaateen dib-u-soo celinta bilicda,hormarinta amaanka,abuurista shaqooyinka iyo sidii Caasimaddu ay u heli lahayd dariiqa saxda ah ee dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska. Isagoo tilmaamay in shacabka Muqdisho looga baahan yahay inay la shaqeeyaan Maamulka, bixiyaan canshuuraha, qeyb muhiim ahna ka qaataan dib-u-dhiskiisa dalkoodana.

“Waxaan shacabka Muqdisho kula dardaarmayaa inay ka shaqeeyaan dib-usoo-celinta billicda Caasimadda iyo dib-u-dhiska waddooyinka burbursan, Waxaan rabnaa in aan dib u soo celinno quruxdii Caasimadda aana si dhammeystiran uga saarno dhaawacyada ay geysteen dagaallada sokeeye, dhismaha waddooyinkuna waxay soo celinayaan ganacsiga , horumarka, bilicda iyo amniga, runtiina tani waxay ku timid iskutashiga Dawladda Hoose iyo dadka Caasimadda”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Sidoo kale, waxaa Munaasabadda furitaanka Waddadan hadallo ka jeediyey Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Guddoomiye ku xigeenka Howlaha Guud iyo Maamulka degmada Xamar-Jajab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media