Dhageyso:-Dowladda iyo Hir-Shabeelle oo lagu eedeeyay in ay dayaceen Shacabka D/Jalalaqsi

Maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya  iyo Maamulka Hir-Shabeelle taas oo ku aadan wax u qabashada Bulshada ku nool degmadaasi.

Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidoow,oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyay dowladda iyo hir-Shabeelle in aysan wax ka qaban bahiyaha dhinaca Cafimaadka,Daryeelka Ciidamada iyo sidoo kale baahiyaha gaarka ah ee Shacabka Jalalaqsi.

Waxa uu ugu baaqay Madaxda ugu sareysa dalka iyo waliba kuwa Hir-Shabeelle in ay indhaha ku soo eegaan degmada Jalalaqsi,islamarkaana wax alaala iyo wixii ay balan qaadeen ay fuliyaan.

Hoos Ka Dhageyso Warbixin uu Wariyaheena Axmed Dirir Nuur uu ka soo diray Baladweyne.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media