Dad loo qabqabtay weerar iyo dilal ka dhacay Boosaaso

Xalay fiidkii ayaa waxaa bam gacmeed lagu weeraray bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay ku leeyihiin meel u dhow Dekada Magaalada Boosaaso.

Weerarkas ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen hal Askari iyo qof kale oo shacab ah,halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen sida uu Dalsan u xaqiijiyay qof ka mid ah dadka Magaalada Boosaaso oo aan la xiriirnay.

Ciidamada Puntland ayaa intasi kadib waxa ay sameeyeen howlgal ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarkaas,iyada uu ka sii horeeyay dilalka ilaa Saddex ruux oo uu ku jiray Sarkaal ciidan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland gaar ahaan kuwii howlgalka waday ayaa waxa ay sheegeen in howlgalkaas lagu qabqabtay tiro dad ah oo looga shakisan yahay weerarkaas,isla markaana baaritaano ay ku hayaan wallow tirada rasmiga ah aysan sheegin.

In kastoo todobaadyadii la soo dhaafay amniga Magaalada Boosaaso uu ahaa mid wanaagsan tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Saldhigga Bartamaha ayaa hadana waxaa shalay ilaa xalay ka dhacay dilal iyo weerar.

About Radio Dalsan Reporter

View all posts by Radio Dalsan Reporter
%d bloggers like this: