Ciidamada ammaanka ee dowladda, gaar ahaan kuwa Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan qarax labaad oo la qorsheynayay in lagu weeraro magaalada Muqdisho.
Gaari nooca raaxada ah oo lagu soo raray waxyaabaha qarxa ayaa gacanta lagu dhigay ka hor inta uusan soo gelin caasimadda, iyadoo ciidamadu ay kusoo qabteen duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha.
Sida ay sheegeen saraakiisha amniga, Ciidamada NISA ayaa helay xogta ku saabsan gaariga qaraxa waday, waxayna si degdeg ah u sameeyeen howlgallo lagu baacsanayo gaarigaas. Markii ay ciidamada soo qabteen gaariga, waxaa lagu guuleystay in la qarxiyo si loo baabi’iyo waxyaabaha halista ah ee saarnaa, iyadoo aan wax khasaare ah soo gaarin ciidanka ama dadka deegaanka.
Howlgalka ayaa loo arkaa guul weyn oo ka dhan ah qorshayaal Qaraxyo ah, oo lagula damacsanaa in lagu waxyeelleeyo shacabka Muqdisho. Tallaabadan waxay sidoo kale muujinaysaa dadaalka joogtada ah ee ay ku jiraan ciidamada NISA si ay u sugaan amniga caasimadda iyo in la burburiyo khataraha soo wajahan.
Saraakiisha amniga ayaa ku booriyay shacabka inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, iyagoo la wadaagaya xog kasta oo looga hortagi karo weerarada noocan oo kale ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.