Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah oo goor dhoweyd ka dhacay bar koontarool oo ku taalla inta u dhaxeysa xaafadaha Macaani iyo Tareedishe ee degmada Garasbaaley, magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa jugtiisa si xooggan looga maqlay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Banaadir.
Waxaana weerarkan uu si gaar ah kaga dhacay afaafka hore ee xero ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ay ku leeyihiin halkaas, halkaas oo lagu baaro gaadiidka soo gala gudaha magaalada Muqdisho.
Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu sababay dhimashada iyo dhaawaca illaa shan askari oo ka tirsan ciidanka NISA. Waxaa sidoo kale jira dad shacab ah oo ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay, kuwaas oo waxyeello kala duwan soo gaartay.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxayna warbaahintooda ku faafiyeen in weerarkooda uu khasaare gaarsiiyay ciidanka NISA ee fariisinta ku lahaa goobta la weeraray.
Weerarkan ayaa markale muujinaya halista joogtada ah ee ka jirta Muqdisho, Dowladda Soomaaliya ayaa si joogto ah u xoojisa dadaallada amniga, hase yeeshee AS ayaa weli awood u leh inay geystaan weeraro sidaan oo kale ah.