Guddiga gurmadka Qaran ee Qaraxii Liido ayaa isku raacay in min 2,000 oo dollar la siiyo qoysaska ehelladooda ku waayay weerarkaasi kana hadlay xaalada dhaawacyada weli Isbitaalada ku jira
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS ahna Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka qaran ee Qaraxi Liido Faarax Sheekh Cabdulqadir, ayaa xarunta dhexe ee SoDMA ku shir Guddoomiyay kulanka guddiga gurmad qaran.
Shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo xubnaha kale ee guddiga.
Kulankaan ayaa si gaar ah waxaa looga hadlay xaalada dhaawacyada wali isbitaalada ku jira, sidoo kale Guddiga ayaa isku raacay in min 2,000 oo dollar la siiyo qoysaska ehelladooda ku waayay weerarkii Xeebta Liida, kuwaas oo haatan inta la xaqiijiyay gaaraysa dhimashadooda 41 ruux balse inta la hubiyay ee lacagta la siinayo ayaa ah 31 qof ehelladooda kuwaas oo maray habraacyada Hay’adda.