Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo Isniin ah xukuno kala duwan oo isugu jiray xabsi iyo ganaax lacageed ku riday Agaasimeyaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, kuwaasi oo horey loo xiray.
Agaasimeyaasha ayaa waxaa lagu eedeeyay inay musuq-maasuqeen lacago loogu tala galay Arrimaha Caafimaadka iyo ka hortagga Cudurka Coronavirus, ayna Dowladda Soomaaliya ka heshay lacagtaas Hay’addaha UN-ka.
Maxkamadda Gobolka ayaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Cabdullaahi Xaashi Cali ku xukuntay 9 sanno oo xabsi ah iyo 2,366 oo lacag ganaax ah, halka Maxamuud Buule Maxamuud oo ah Agaasimaha waaxda Maaliyada iyo Maaliyada Caafimaadka lagu xukumay 18 sano oo xabsi ah iyo 2,366 oo Dollar.
Sidoo kale Maxkamadda Gobolka ayaa Madaxa Mashruuca Malaariyada Caafimaadka ku riday xukun ah 3 sano oo xabsi ah, halka Agaasimaha qeybta Xisaabaadka isna lagu xukumay 12 sano.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale xukuno ku riday eedeeysanayaal kale, isla markaana waxaa xusid mudan in lasii daayay qaar kale oo eedeeysanayaal ahaa.
Hoos ka DAAWO sida uu xukunka u dhacay oo loo Akhriyay Warbaahinta.