Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Galmudug ayaa howlgalo lagu xaqiijinayo amniga ka bilaabay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo mararka qaarkood ay ka dhacaan falal amni darro.
Ciidamada Booliska ayaa baaritaano ku sameeynaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isticmaalaya waddooyinka waaweyn ee Gaalkacyo, waxaana Ciidamada ay gaadiidka ka fiiqayaan miyaaradaha madoow ee beensalka ah.
Siodo kale Ciidanada ammaanka ayaa baaritaano ku sameeynaya dadka saaraan gaadiidka BL-ka iyo kuwa raaxada ah ee sida gaarka loo wato, sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday Ciidamada.
Saraakiisha Ciidanka Galmudug ee hoggaamineysa howlgalka ayaa waxaa ay sheegeen in Ujeedka howlgalka ka socda Magaalada Gaalkacyo uu yahay mid lagu doonanayo in lagu xaqiijiyo amniga Magaalada.
Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa marar kala duwan ka dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan oo geysteen rag hubeysan, waxaana falalkaas inta badan sheegtay Al-shabaab.