Wararka aan ka heleyno Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in barqanimadii Maanta halkaas uu ka dhacay qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay gudaha degmadaas.
Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu sigaar uga dhacay Suuqa Hoose ee Degmada Wanla-weyn, waxaana xiligii uu qaraxu dhacayay halkaas ku sugnaa dad shacab ah.
Goobjoogayaal ayaa soo weriyay in qaraxaas ay ku geeriyoodeen laba ruux oo shacab ah, halka dhaawac fudud uu soo gaaray qof kalena oo goobta taagnaa, waxaana qaraxaas kadib la maqlay rasaas xoogan.
Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Degmada Wanla-weyn ayaa tegay goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoona wada baaritaano kala duwan, waxaana inta la xiray inta badan goobaha ganacsiga Suuqa degmadaas.
Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa bilo kahor waxaa ka dhacay qarax miino ah oo lagu dilay Guddoomiye ku-xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda degmadaas oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Koosto.