Telefishinka CNN-ka Maraykanka waxa uu goor dhow shaaciyey in Saalax Jamaal Khashoggi uu ka soo ambabaxay Sacuudiga, labor maalin kadib markii uu la kulmay Boqor Salmaan iyo Dhaxal-sugaha Amiir Maxamed bin Salmaan oo ay uga tacsideeyeen dilka Aabihiisa.
Lama sheegin halka uu ambabaxay Saalax Jamaal Khashoggi, waxaase loo badinayaa inuu u dhoofay Turkiga.
Dowladda Sacuudiga kama hadlin Ambabaxiisa Saalax Jamaal Khashoggi oo ay horey ugu soo rogtay xayiraad dhinaca Sodaalka.
Waxaana laga mamnuucay inuu ka dhoofo Sacuudiga, kadib markii uu Aabihiisa mucaarad ku noqday Madaxda Sacuudiga, gaar ahaan Amiirka awoodda badan ee Maxamed Bin Salmaan.