Shirka Golaha wasiirada Jubbaland oo uu shir guuddoominayay Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka koowad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweeyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo inta badan golaha wasiirada.
Shirka golaha wasiirada asbuucaan waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amaaanka, golahu waxay guddi gaar ah u saareen dardargelinta arrimaha amniga iyo adkeynta nabadgelyada.
Intii shirku socday waxaa warbixinno laga dhegaystay qaar kamid ah waasaradaha Jubbaland.
Wasaaradda amniga ayaa soo bandhigtay Taliyihii amniga ee Kismaayo yimid iyo waxyalaha uu kusoo kor dhiyay Nabadgelyada magaalada.
Wasaradaha Macdanta iyo Biyaha, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta, Garsoorka iyo Caddaaladda, Howlaha guud iyo Guryeynta ayaa sidoo kale laga dhegaystay warbixinno la xiriira waxqabadkooda.
Shirka markii uu soo idlaaday ayaa waxaa ka warbixiyay Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyadda Jubbaland Eng. Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed.
Wasiirka ayaa sheegay in shirku u qabsoomay sidii loo qorsheeyey, wuxuuna tilmaamay in golaha qorsheeyey sidii wasaarad kasta loogula xisaabtami lahaa howlaha ay u hayso bulshada Jubbaland.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Kana Daawo Sawirrada Kulanka.