Howlgalkaan ay Ciidamadu ku qaadeen deegaanno iyo Tuulooyin u dhaxeeya degmada Walaweyn iyo deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Alshabaab looga saaray deegaanno badan oo ay ku sugnaayeen.
Taliyaha Ururka 35aad Guutada 7aad qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka kornayl Maxamed Cabdullaahi Caraalle oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaanada Leego, Yaqbirweyne, Madax maroodi iyo deegaano kale.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaan ay ku dileen ku dhawaad 15 dagaale oo ka tirsan Al-shabaab ayna ka gubeen gaadiid ay wateen, isagoo sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada,waa sida uu hadalka u dhigay.
Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo iyo kuwa AMISOM ayaa si dardar ah kuwado howlgallo ka dhan ah Al-shabaab,kaasi oo ka socda degaano ka tirsan Golada dalka Soomaaliya.