Kenya waxay ugu baaqday dalalka Calaamka inay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, kadib, weerarkii ay Alshabaab jimcihii ka geysteen Hotel ku yaalla Kismaayo, laguna dilay 26 qof o oay ku jireen 3 Somali-Kenyan ahaa.
Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Monica Juma ayaa jeedisay Baaqaasi, waxayna Beesha Calaamka ku boorisay inay Golaha Ammaanka ee QM taallaabo ka qaadaan Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigtay.
Qoraal ay Barteeda Twitter-ka soo dhigtay ayey ku sheegtay in weerarkii Alshabaab ee Kismaayo uu tusaale kale u yahay weeraradda ay Alshabaab ka geystaan dalalka Geeska Afrika.
Dhinaca kale, Monica Juma waxay sheegtay inay Tacsi u dirayaan Qoysaska iyo Saxaiibadda dadkii lagu dilay weerarkii ka dhacay Hotelka Madiina (Ex-Cascasey) ee magaalladda Kismaayo.