Sawirro:-Wasiir Beyle oo la kulmay Safiirka Britain ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta la kulmay Safiirka Britain ee Soomaaliya Mr. David Concar oo ku jira todobaadkiiisii ugu danbeeyay ee xafiiska.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in safiirka Britain ee Soomaaliya ay ka wada hadleen horumarka Maaliyadda,wuxuuna inta uu kulanka socday uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee Dowladda UK la garab taagan tahay Soomaaliya

“Waxaan maanta la kulmay Safiirka Britain ee Soomaaliya Mr David Concar oo ku jira Todobaadkiisii ugu dambeeyay ee Xafiiska,Waxaan ka wada hadalnay horumarka Maaliyadda,  waxaan sidoo kale uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee ay nala garab taagan yihiin,”ayuu yiri Wasiir Beyle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media