Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Iraq waxay u yeereen Safiirka Turkiga u jooga Baqdaad, si ay ugu gudbiyaan Dacwad ka dhan ah Ciiddanka Turkiga ee ku sugan gudaha dalka Iraq.
Afhayeenka Arrimaha Dibedda ee Iraq ayaa sheegay inay ka caroodeen hadal ay Dowladda Turkiga ku sheegeen inay Ciiddankooda ku sii nagaan doonaan Waqooyiga Iraq.
Dowladda Iraq waxay sheegtay inaysan jirin Ciiddan Turkish oo ay ku casuumeen inay joogaan gudaha dalkooda, isla markaan ay Askarta Turkiga u arkaan Ciiddan duullaan ku qabsaday dalkooda.
Toddobaadkii hore, Barlamaanka Turkiga waxay go’aamiyeen in muddo hal sanno lagu kordhiyo Fasaxa ay Milliteriga Turkishka hawlgalo kaga fulin karaan gudaha dalalka Iraq iyo Syria.
Sannadkii hore, ayaa Boqolaal Ciiddamo Turkish waxay saldhig ka samaysteen Waqooyiga Iraq, kaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka Caalamiga ee lagu tababarayo, laguna qalabaynayo Ciiddanka Iraq ee dagaalka kula jira Kooxda Daacish.
©Radio Dalsan