G/Xigeenkii Gobalka Casir ee dalkaasi, Amiir Mansuur Bin Murqayn iyo 7 Sarkaal  ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen  Diyaarad Helikopter oo ku burburtay Koonfurta dalkaasi.
Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Diyaaradda ku burburtay meel ku dhow magaalladda Abxa oo 800 KM dhanka K/bari kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee Riyadh.
Saraakiisha Ammaanka wax faahfaahin ah kama bixinin, balse waxaa socda Baaritaanka waxa sababay shilkaasi.
Dhinaca kale, Wargeyska CUKAAZ Â ayaa qoray inay Diyaaradda burburtay, xilli ay Saraakiisha socdaal ku marayeen meel ku dhow Xeebta Gobalka Casir ee u dhow Xuduudka dalka Yemen.