Maxamed Cabdulalahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxda dalka Guud ahaan ay isla qaateen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab in siwadajir ah looga wada qeyb qaato.
Waxa uu sheegay in hessiiskii amni ay wada gaareen Dowladda iyo madaxda Maamul goboleedyada dhanka amniga in ay ficil u bedelaan.
Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay Guud ahaan ka qeyb qaataan dagaalkaas ka dhanka ah Al-Shabaab.
“Dhalinyarda Somaaliyeed waa in ay ka qeyb qaataan xoreynta dalka, hooyooyinka waa in ay Caanaha iyo Biyaha ka daba qaadaan ciidanka, Culumada waa in ay ku baraarujiyaan shacabkeena Soomaaliyeed in Al-Shabaab wax raad ah ku laheyn Diinta, Abwaaniinta Soomaaliyeedna dhankooda ay ka wadaan guubaabada ayuu yiri Madaxweyne Farmaajoâ€
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo