EU-da “kooxaha wax tahriibiya waxaa ula dagaalami doonaa sida Burcad Badeeda oo kale”

28-ka Waddan ee xubnaha ka ah Ururka Midowga Europe “EU”-da ayaa isku waafaqay Hawlgal Milliteri oo lagu ugaarsanayo, laguna burburinayo Doonyaha ay adeegsadaan Kooxaha dadka ka soo tahriibiya Xeebaha dalka Libya.

Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga, Roberta Pinotti ayaa sheegay inay qaadayaan Hawlgal Milliteri iyo mid Rayid si wax looga qabto doonyaha ay Kooxaha wax tahriiba u adeegsadaan inay soo raacaan dadka ku soo jeeda Xeebaha dalka Talyaaniga.

Waxa uu intaasi ku daray inay la socdaan deegaanadda ay Doonyaha Tahriibka ku sugan yahay iyo halka ay Kooxaha wax tahriibiya dadka ku ururiyaan, ka hor intaysan doonyaha soo raacin.

Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga, Roberta Pinotti, waxa uu saadaaliyey in lagu guuleysan doono Hawlgalkaasi oo uu barbar dhigay Hawlgalkii ATLANTA ee ay Maraakiibta dagaalka ee EU-da kula dagaalamayaan Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.

Maraakiibta dagaalka ee dalalka Spain, Faransiiska, Talyaaniga, Netherlands ayaana hormuud ka ah Hawlgalka lagula dagaalamayo Burcad-baddeeda, kaasi oo oo bilowday sannadkii 2008-di.

Midowga Europe waxay qorsheynayaan inay Hawlgalka ay ka wadaan Badda Somalia soo gebagebeeyaan sannadka soo socda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor