Wararka naga soo gaaraya deegaano ku dhow xuduudka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya garaa ahaan dhinaca Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay la wareegeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay la wareegeen deegaan ay Saldhiga ku lahaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland.
Deegaanka ay Shabaab qabsadeen ayaa waxaa lagu magacaabaa Dag cada oo hoostaga degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose,iyadoo halkaas dagaal qaatay muddo saacad ah uu ku dhexmaray Ciidanka Jubbaland iyo Al-shabaab,hayeehsee aan si dhab ah loo ogeyn Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ee soo kala gaaray labada dhinac.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan in Al-shabaab ay la wareegeen deegaanka Dag cada ee hoostaga degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.