50 qof oo Muslimiin ah oo lagu dilay iska horimaad ka dhacay Nigeria

Maamulayaasha Deegaanka ayaa sheegay in dadkaasi lagu dilay weerar ka dhacay dhulka kaymaha ee Gobalka Zamfara ee W/galbeed ee dalkaasi.

Dadka la dilay ayaa la sheegay inay isugu jireen dad rayid oo taageero siiya Hay’addaha Ammaanka  iyo Askarta  dagaalka kula jira Kooxaha hubeysan ee ku sugan Gobalkaasi.

Kooxaha hubeysan ayaa la sheegay inay ka awood roonaadeen Ciiddanka iyo Dadka Deegaanka, taasi oo keentay geerida in ka badan 50-qof.

Gobalka Zamafara oo xuduud la leh Gobalka Kaduna waxaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ka dhacay weeraro ay kooxo hubeysan ka soo qaadaan dhulka kaymaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media