Wararka ay Dalsan ka heleyso Magaalada Buu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab Maanta halkaasi ay Xukun toogasho ah ku fuliyeen Afar Nin oo laga kala keenay qaar ka mid ah Magaalooyinka dalka.
Fagaare ku yaalla Degmadaas ayay Al-Shabaab isugu keeneen Shacabka Magaalada iyo Afarta Nin oo ay ku eedeeyeen in ay la Shaqeynayeen Ciidamada Itoobiya iyaga oo isla Goobta ku toogtay.
War ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in Afartan Nin ay qirteen dembiga lagu soo oogay kuwaas oo Magacyadooda kala ahaa.
1: Cabdi Risaaq Xaashi Cabaas
2:Â Cumar Cadar CumarÂ
3: Maxamed Aba Mayoow
4: Mustaf Macalim Xasan
Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale tiro ka dhowr jeer waxa ay fal toogasho ah ku fuliyeen dad isugu jira Rag iyo Dumar kuwaas oo ay ku eedeeyaan in ay xiriir leeyihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.