Wararka naga soo gaaraya Magaalada Asmara ee Xarunta Dalka Eritrea ayaa waxaa ay sheegayaan in magaaladaas ay xalay ku kulmeen Ra’isalwasaaraha Itoobiya iyo xubno ka tirsan Madaxda Ururka ONLF.
Kulanka labada dhinaca oo la sheegay in laga qariyay Warbaahinta ayaan ilaa hadda la ogeyn waxa looga wadahadlay.
Kulanka ayaa ka dhacay Guriga Madaxtooyada ee Asmara,waxaana la sheegayaa in labada dhinac ay isku afgarteen in kulan rasmi ah oo dhexmara labada dhinac lagu qabto magaalada Adis ababa bilaha soo socda.
Golaha Wasiirrada ee uu hoggaamiyo Abiye Axmed ayaa dhawaan Baarlamaanka ka codsaday in liiska argagixisanimada laga saaro saddex Urur oo ay ka mid tahay ONLF,taas oo uu Baarlamaanka meel mariyay.
ONLF iyo Dowladda Itoobiya ayaan ka hadlin waxyaabaha rasmiga ah ee looga hadlay kulanka,hayeeshee ilo ku sugan Asmara kuna dhow Dowladda Eritrea ayaa sheegay in kulankaas qabsoomay.
Asmara waxa ay xarun u tahay Ururka ONLF,waxaana dhawaan ,lagu soo gaba gabeeyay Shirweynaha saddexaad ee Ururka halkaas oo lagu doortay Guddoonka iyo Golaha cusub ee Madaxda ONLF.
ONLF,waxaa ay soo dhaweysay go’aanka Baarlamaanka Itoobiya uga saaray liiska Argagixisada iyaga oo sheegay in ay wadahadal la furayaan dowladda Itoobiya.