Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiaxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa waxaa kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Ruushka ee Soomaaliya H.E. Mikhail Golovanov.
Kulanka u dhexeeyay Wasiir Cabdiraxmaan Beyle iyo Mikhail Golovanov ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan Deyn-Cafinta dowladda Soomaliya.
War qoraal ah oo bartiisa Facebook uu kusoo qoray Wasiir Beyle ayaa waxaa uu sheegay in dalka labaad ee Soomaaliya deynta ugu badan ku leh uu yahay dalka Ruushka.
Sidoo kale Wasiirka Wasaardda Maaliyada ayaa waxaa uu tilmaamay in Wadahadalka uu la yeeshay Safiirka Ruushka ee Soomaaliya uu ku saleysnaa sidii deymaha looga cafin lahaa Soomaaliya.
“Ruushka waa dalka 2aad ee deynta ugu badan nagu leh, wada hadalkeenu waxa uu ku saleysnaa sidii ay deymahaas nooga cafin lahaayeen” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.